Golaha Wakiillada Puntland ayaa goor dhoweyd xasaanadii xildhibaannimo ka qaaday guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).
Mooshin xasanaad ka qaadis ah oo ay ku saxiixan yihiin 38 xildhibaan ayaa maanta laga akhriyey fadhiga xildhibaannada Puntland, waxaana lagu soo xoogay Xildhibaan Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo ahaa guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday inuu ku xadgudbay Dastuurka Puntland.
Fadhiga oo ay soo xaadireen 40 xildhibaan ayaa waxaa ay cod gacan taag ku ansixiyey 39 mudane oo taageeray in xasaanaddii laga qaaday xildhibaan hore Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed), waxayna arrintan dhabbaha u xaareysaa in dacwac lagu soo oogo, lagana saaro xildhibaannimada.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka oo ay isku dhaceen madaxweynaha maamulkaasi ayaa hadda ku sugan dalka Itoobiya, waxayna warark qaar sheegayaan inuu abaabulayo dhismaha maamul goboleed cusub.