Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey Sharciga Heshiiskii Qeybsiga kheyraadka ee madaxda dowaldda Soomaaliya iyo madaxda dowlad Goboleedyada ay ku gaareen magaalada Baydhaba.
Heshiiskan oo wax badan lagu daray sida ay sheegeen madaxda dowlad Goboleedyada ayaa waxaa baarlamaanka geeyay Xukuumadda, waxaana soo gdubiyey Guddiga Kheyraadka Golaha, iyadoo cod loo qaaday lagu ansixiyey 142 xildhibaan ayaa ansixiyey, waxaana ka aamusay 5 kale, iyadoo aanay cidna ka aamusin.
Shirka oo uu guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahin Muudey waxay Xildhibaanada ay sidoo kale ku ansixiyeen Heshiiska Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah kaasi oo Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka uu Baarlamaanka hor keenay.
Dhinaca kale xildhibaannada ayaa maanta ka dooday qasaaraha ciidamada Kenya u geysteen xarumaha shirkadaha isgaarsiinta Hormuud iyo SOMTEL, kadib markii ciidamada Kenya ay qarxiyeen 11 xarumood.
Waxaa kaloo ajendayaasha Baarlamanka ee maanta ka mida Sharciga Saxaafadda oo dib loogu celiyey Baarlamaanka mar kale, iyadoo xukuumadda ay dooneyso in wax laga bedelo.