Golaha Shacabka Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii ugu horeeyay maanta yeelanaya, kadib markii hakad la geliyey fadhiyadii kalfadhiga 7-aad sababo aan la ogeyn dartood.
Guddoonka Golaha shacabka ayaa iskood hakad u heliyey muddo ka badan laba toddobaad, kadib uu khudbad ka jeediyey Golaha Madaxweyne farmaajo 15-kii Ogost 2020 xilli uu kusii jeeday shirkii saddexaad ee magaalada Dhuusamareeb, waxaana farriin loo diray xildhibaannada shalay loogu sheegay inay kasoo xaadirana kulanka maanta oo laba ajende looga hadli doono.
Ajendayaahsa kulanka xildhibaannada ee maanta ayaa kala ah: Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Adeegyada Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed iyo Akhinta labaad ee Sharciga Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Madaxweyne Farmaajo ka dalbaday inuu degdeg usoo magacabo markii la riday xukuumadii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo dalku Ra’iisal wasaare iyo xukuumad la’aan yahay muddo 37 maalmood ah, wax war ahna kasoo bixin Baarlamaanka.