Wednesday, June 25, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo xilka ku soo celinaya Ceydiid Ilka-xanaf [Qorshaha kulanka maanta]

Kulan gaara oo ku saabsan xil ka qaadis uu madaxweyne Xasan Sheekh ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamada Sare ee dalka Ceydiid C/llaahi Ilka xanaf ayaa lagu wadaa inay maanta yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa ku baaqay guddoonka Baaarlamaanka, kadib markii xildhibaano badan ay  dalbadeen, waxaana shalay dood kulul dhex martay xildhibaano si weyn uga hor yimid arrintan iyo qaar taageersanaa.

Xildhibaanada qaarkood ayaa kulankii shalay ka sheegay in arrintan ay tahay keli talisnimo, waxayna Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyeen inuu ku dhaqmayo kelitalisnimo.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Baarlamaanka ugu baaqday inay ka hor tagaan tallaabada madaxweyne Xasan Sheekh ku doonayo inuu wareegto ku kala diro hay’adii Garsoorka.

Xildhibaano badan ayaa doonaya in Baarlamaanku maanta soo saaro qaraar ku saabsan inay sharci darro tahay xil ka qaadistii madaxweynaha ee Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, taasoo dalka gelin doonta xaalad ah inuu yeesho laba guddoomiye maxkamad sare.

Waxaa laga cabsi qabaa in arrintan ay buuq iyo fowdo ka dhex dhaliso Baarlamaanka, taasoo keentay dib u dhac kale oo ku yimaada heshiiskii qaabka doorashada oo hor yaala Baarlamaanka.

Xilliyada kala guurka ah ayaa caado u tahay dowladaha dalka soo maray inay isku dhacaan oo waqtiga  ku dhameystaan khilaafaad siyaasadeed.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON