Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay in dalkaasi ciidamo u diro Dalka Khaliijka Carbeed ee Qatar.
Kulan ay Baarlamaanka Turkiga yeesheen ayay ku ansixiyeen caawa laba heshiis oo milateri oo ciidamada Milateriga Booliska “gendarmerie’ ee Turkiga loogu dirayo dalka Qatar iyo tababarka ciidamada dalka Qatar.
Cod bixin ay Baarlamaanka Turkiga u qaadeen heshiisyada oo hore ay labada dal ee Turkiga iyo Qatar hore u kala saxiixdeen. Waxayna arrintan imaaneysaa iyadoo dalalka Khaliijka qaarkood sida Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn ay xiriirka u jareen dalka Qatar ayna ku soo rogeen go’doomin.
Heshiiska ciidamada Turkiga lagu geynayo dalka Qatar ayaa lagu saxiixay magaalada Doha April 2016, si loo xoojiyo iskaashiga milateri ee labada dal, waxaana heshiisku qorayaa in ciidamada labada dal ay wadajir u sameeyeen dhoolatusyo milateri.
Turkiga ayaa hadda si toos ah u la safatay dalka Qatar oo ay go’doomiyeen dalalka deriska la ah.