Monday, July 14, 2025

Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyey Ciidamo dalkaasi degdeg ugu dirayo Liibiya & Masar oo digniin culus dirtay…

Baarlamanka Turkiga ayaa maanta ansixiyey qaraar u ogolaanaya dowladda dalkaasi inay ciidamo u dirto dalka Libya, si ay u taageerti dowladda QM ay taageerto aqoonsan tahay ee degan caasimadda Triboli.

Arrintan oo uu si weyn ugu ololeyay madaxweynaha Turkiga Recep Dayib Erdogan ayaa dhabbaha u xaaraya in Turkiga uu ciidamada dhulka, cirka iyo badda u diro dalka Liibiya, si ay u taageeraan dowladda Liibiya, waxaana taageeray Qaraarka 325 xildhibaan, halka ay diideen 184 xildhibaan oo kale.

Dowladda Tripoli ayaa dagaal culus kasoo wajahay Jeneraalka Khalifa Haftar oo doonaya inuu qabsado caasimadda Triboli, isagoo taageero ka helauya dalalka Masr, Imaraadka iyo Saudi Arabia, waxaan go’aanka Turkiga si weyn uga hor yimid dalka Masar oo siyaasad ahaan ka horjeeda Turkiga.

Xukuumadda Libya ayaa dhowaan taageero militeri ka codastay Turkiga, kadib heshiis dhex maray labada dhinac, waxaana la filayaa inuu Turkiga too milatari ahaan ugu lug yeesho dagaalka ka socda dalka Liibiya oo dalal badan ku dhex jiraan.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Masar ayaa war cad oo ay soo saartay ku sheegtay in go’aanka Turkiga uu yahay mid sharci darro ah, isla markaana wixii ka yimaada uu qaadi doono Turkiga, iyadoo u digtay Turkiga inuu farageliyo arrimaha gudaha Liibiya.

Masar ayaa Gen. Haftar ku tageerta hub iyo khubaro milateri, waxaana diyaaradaheed dagaalka ay duqeyn ka fuliyaan dalka Liibiya, iyadoo ay taageero ka heystaan Dowladda Imaaraadka Carabta oo ah dalka ugu weyn ee faraha kula jira arrimaha Liibiya.

Turkiga iyo Qatar waxay taageeraan xukuumadda uu hoggaamiyo Fu’ad Sarraaj, iyadoo siiya taageero kala duwan, laakin hadda waxay arrinta isu bedeshay in ciidamo milateri uu Turkiga u dirayo Liibiya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON