Weerar bam gacmeed ah oo caawa lagu qaaday saldhiga degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa dhaliyay qasaare.
Qaraxan ayaa loo adeegsaday Bamka gacanta lagu tuuro oo lagu riday saldhigga, halkaasoo lasoo weriyay inay ku dhaawacmeen askar iyo qaar ka mida maamulka Degmada Howlwadaag.
Dadka qarax ku dhaawacmay ayaa la sheegay inuu ka mid yahay gudoomiye waaxeed ka tirsan degmada Howlwadaag, iyo laba askari oo saldhigga ku sugnaa, waxaana rasaas xoog leh oo ay ciidamada saldhiga fureen la soo weriyay inay dhawaacyo kale ka dhasheen.
Goobjooge.com