Thursday, June 26, 2025

Bam la soo dhigay Suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho oo laga hortegay

Bam la sheegay in la soo dhigay Afar irdoodka suuqa Xamarweyne ayaa lagu guuleystay in laga qaado isagoo aan qarxin.

Ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda ayaa xiray goobta qaraxaasi la dhigay, waxaana dadka laga hor istaagay inay u dhowaadaan.

Kadib saacado ilaalo ay ciidamada ka hayeen goobtaasi ayaa la sheegay in la qaatay waxyaabo biro iyo qalab kale oo goobtaasi yaalay, iyagoo sheegay inuu ahaa qalab qarxa oo la doonayay in lagu qarxiyo dadka ku sugan suuqa Xamarweyne oo ka mid suuqyada ugu mashquulsan magaalda Muqdisho.

Qaraxyada la fashiliyo ayaa aad u yar marka la eego falalka Alshabaab ka geysato magaalada Muqdisho ee isugu jira qaraxyada iyo khaarijinta.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON