Thursday, July 3, 2025

Bannaabax looga horjeedo madaxweynaha Mareykanka oo ka socda Magaalada Muqdisho

Waxaa salaadii Jimcaha kadib magaalada Muqdisho ka dhacay bannaanbax looga horjeedo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku dhawaaqay in magaalada Qudus ay tahay caasimadda Yuhuudda.

Dadweyne isugu soo baxay ayaa ku dhawaaqayay  ereyo lid ku ah madaxweynaha Mareykanka oo ay ku difaacayaan magaalada Qudus ee barakeysan oo ka mida magaalooyinka Islaamka ee reer Falastiin.

Dadka ayaa isu soo baxay markii ay tukadeen Saladii jimcaha, waxaana khudbooyinka Jimcaha lagu soo qaaday magaalada Qudus iyo taariikhda ay ku leedahay islaamka iyadoo dadka loogu baaqay inay difaacaan Qudus.

Magaalooyin badan oo caalamka islaamka ayaa maanta waxaa ka dhacay bannaanbaxyo waaweyn  oo looga horjeedo hadalkii madaxweynaha Mareykanka ee magaalada Qudus uu ku sheegay inay tahay caasimadda Yuhuudda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON