Bannaanbax ay dhigayaan darawallada Mooto Bajaajta ayaa ka socda magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kadib markii darawal lagu dilay magaaladaasi.
Askari ka tirsan ciidamada Booliska ayaa toogasho ku dilay darawal Mooto Bajaaj meel u dhow saldhigga Booliska ee magaalada Beledweyne, taasoo keentay in bannaanbax weyn uu magaalada ka bilowdo, kaasoo ay hoggaaminayaan darawallada mooto bajaajta magaaladaaasi oo dalbanaya in askarigii dilka geystay sharciga la hor keeno.
Magaalada Beledweyna ayaa waxa maalmahan ka socday howglal ciidamadu ku baacsanayaan Mooto bajaajta oo lagu soo rogay lacag diiwaan gelin ah oo gaareysa $15 oo lacag ah, iyadoo Bajaajleyda ay ka cago jiideen inay bixiyaan lacagtaas.
Banaanbaxa ka socda magaalada Beledweyne ayaa keenay inuu xirmo jidka u dhaxeeya Xeradii hore ee Daraawiishta iyo saldhiga booliska, waxaana bannaanbaxayaasha ay ku dhawaaqayaan ereyo ay uga horjeedaan maamulka Hirshabeelle iyo kan Beledweyne.