Sunday, July 13, 2025

Bannaanbax lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho laga abaabulay & Jidad la xiray

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda Bannaanbax lagu taageerayo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaasoo ay soo abaabuleen Maamulka Gobolka Banaadir.

Bannaanbaxa oo ay qorsheysay Madaxtooyada, isla markaana uu fulinay maamulka Gobolka Banaadir ayaa ujeedkiisu yahay in taageero loogu muujiyo Madaxweynaha oo shalay xaalad adag ka qabsatay furitaanka kalfadhigii 7-aad ee Baarlamaanka, markii ay xildhibaannada qaarkood buuq ku fureen, kana hakiyeen khudbad uu jeedinayay.

Waxa la xiray isku socodka gaadiidka wadooyinka qaarkood, waxaana socda dadweyne u badna haween iyo caruur ay soo abaabuleen degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo ilaa afar goobood ay dadku isugu tegi doonaan sida la qorsheeyay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bannaanbaxa ku sheegay mid lagu taageerayo codsigii Madaxweynaha hordhigay Baarlamaanka ee in Caasimada ay metelaad ka hesho Aqalka Sare, laakiin waxaa ku hoos jira taageero u muujinta Madaxweynaha.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ah kan kaliya ee uu si toos ah u magacaabo Madaxweynaha dalka ayaa loo adeegsadaa bannaanbaxyada iyo taageerada dowladda iyadoo degmooyinka ay soo abaabulaan ururrada dhalinyarada iyo hooyooyinka hoos taga, waana mamulka kaliya ee weli u shaqeeya sidii uu dhisneyd dowladii hore ee Kacaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON