Dadweyne taageersan madaxweynaha Galmudug ayaa maanta bannanbax ka dhigay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Dadka Banaanbaxa dhigay oo tiradoodu aanay badneyn ayaa ku qeylinayay ereyo ay ku taagerayaan madaxweynaha Galmudug Axmed Dacaale Geelle (Xaaf) oo taageeray dalalka Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, kana hor yimid go’aankii dowladda Soomaaliya.
Waxay wareen boorar ay ku qoran yihiin taagerada Madaxweyne Xaaf, iyadoo ka horjeeday go’aanka ay magaalada Cadaado kasoo saareen madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Cali Casir Cabdi.
Xaaladda Galmudug ayaa ku socota khilaaf uu keenay siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo uu ka hor yimid madaxweyne Xaaf, kasoo sheegay inuu xaq u leeyahaya inuu qaraabto.