Wararka laga helayo degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in bannaanbaxyo waaweyn oo looga horjeedo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu ka dhacay magaalada Baardheere.
Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay Baardheere iyagoo ku dhawaaqayey ereyo ay ka mid yihiin: Ha dhaco Axmed Madoobe, Dooni meyno dowlad diide iwm, waxaana dadkaasi ay ku eedeeyeen Axmed Madoobe inuu noqday mid danihiisa gaarka ah ku shaqeeya.
Nabadoon Axmed Shuuriye Cali oo bannanbaxa ka hadlay ayaa yiri: “Jubbaland anagaa dhisanay , waxaase xumaaday horseedkii aan xilka u dhiibanay, wuxuu Jubbaland u bedelay Jufaland…. maamul xumida ka jirta Kismaayo ee uu wado Axmed Madoobe waan diidanahay, ma dooneyno Axmed Madoobe iyo wixii ku mabda’ ah..”.
Bannaanbaxa ka dhacay Baardheere ayaa imaanaya mid la mida oo dhowaan ka dhacay magaalada Garbahaarey, waxaana muuqata in dadka Gobolka Gedo ay si weyn ugu kacsan yihiin Axmed Madoobe iyo maamulkiisa Kismaayo ku shaqeeya.