Sunday, July 27, 2025

Bannaanbax looga horjeedo ciidamada AMISOM ka dhacay Muqdisho & Rasaas lagu kala eryay [Sawirro]

Dad shacab ah oo ka careysan dadkii ay shalay magaalada Muqdisho ku dileen ciidamada AMISOM ayaa bannaanbax ka sameeyay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Dibadbaxa oo ka dhacay Isgoyska Trebuunka iyo agagaarkiisa ayaa dadka isu soo baxay waxay si weyn u cambaareeyeen 4tii qof ee ciidamada Brundi ee AMISOM shalay aroortii ku dileen xaafadda SOS ee magaalada Muqdisho, waxayna jidka ka xireen kolinyo ciidamo AMISOM ka tirsan oo wadadda marayey.

Ciidamada AMISOM ayaa rasaas ku kala eryay dadkii careysnaa waxayna si awood ah ku mareen jidka, iyadoo rasaasta inteeda badan hawada loo riday, waxaana kacsan xaaladda magaalada Muqdisho, iyadoo AMISOM aysan wax war ah kasoo saarin dilkii ay ciidamadeeda ka geysteen magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON