XOG: Xildhibaanadii K/Galbeed ee Muqdisho la keenay oo maanta lagu celiyey Baydhaba [Qorshe Cusub]

Iyadoo xaaladda maamulka K/Galbeed ay kacsan tahay kadib markii ay mugdi gashay qabsoomidda Doorashada madaxweynaha Maamulkaasi ayaa isbedello kale la filayaa inay maanta soo baxaan.

Xildhibaanadii maamulka K/Galbeed ee ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in maanta lagu celinayo magaalada Baydhaba, sida ay sheegeen xubno ka tirsan xildhibaannadaasi oo sheegay in Muqdisho ku yimaadeen casuumad uu u fidiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh.

Xildhibaannadan ayaa lagu wadaa inay wax ka bedelaan xaaladda cakiran ee doorashada K/Galbeed iyadoo ay ka go’an tahay inay qabtaan doorashada waqtigii loogu talogalay, xilli ay ka harsan tahay muddo ka yar 10 maalmood.

Dhinac kale 12 xubnood oo ka mida Guddiga Doorashada ayaa ku adkeystay inay qabanayaan doorashada madaxweynaha K/Galbeed waqtigii loogu talogalay, waxaana hadda laga warsugayaa go’aanka uu qaadan doono guddoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed.

Shariif Xasan ayaa adeegsaday awoodii uu ku lahaa Guddiga doorashada oo qeybtii uu ku lahaa ay is-casileen, wuxuuna shalay mar kale ku dhaqaaqay tallaabo culus oo odaayashii dhaqanka ay ku soo farageliyeen doorashada iyagoo sheegay inay din u dhigeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

108,231FansLike
568FollowersFollow
2,500FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

108,231FansLike
568FollowersFollow
20FollowersFollow
2,500FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!