Tuesday, July 15, 2025

Bannaanbaxayaal taageersan xukuumadda oo rasaas lagu kala eryay Xarunta Golaha Shacabka

Dadweyne doonayay inay ku hor bannaanbaxaan xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo diiday oo la hor istaagay, iyadoo rasaas lagu kala eryay.

Dadkan oo kasoo baxay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa isugu yimid taallada Sayidka, halkaasoo ciidamada booliska ee ilaalinaya ammaanka xarunta baarlamaanka ay u diideen inay gaaraan xarunta Baarlamaanka.

Askarta qaarkood ayaa rasaas kor ugu riday bannaanbaxayaasha iyadoo kala eryay, waxaana dadkii bannaanbaxa waday ay saxaafadda u sheegeen in rasaas loo adeegsaday iyagoo bannaanbax nabadeed waday, isla markaana doonayay inay xildhibaannada u sheegaan inaan loo baahneyn mooshin laga keeno xukuumadda.

Waa markii ugu horeysay ee bannaanbaxayaal taageeraya xukuumadda ay kala eryaan isla ciidamada dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON