Saturday, June 28, 2025

Bannaanbaxyo lagu taageerayo Dib u Doorashada Madaxweyne Farmaajo oo ka dhacay Gobolka Gedo

Bannaanbaxyo lagu taageerayo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, looga soo horjeedo Warkii kasoo baxay shirkii Musharixiinta Mucaaradka ee Muqdisho ayaa maanta ka dhacay degmooyin ka mida Gobolka Gedo.

Bannaanbaxyada oo ay soo abaabuleen maamulka Gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya hoos taga ayna horkacayeen madaxda maamulkaasi ayaa si buuxda loogu taageeray in dib loo doorto Madaxweyne Farmaajo, waxaana lagu eedeeyay musharixiinta inay yihiin kuwo aan damiir lahayn oo qabyaalad ku dhisan.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa musharixiinta Madaxweynaha ee Muqdisho ku shiray ku tilmaanday rag aan fiyoobeen oo u baahan in isbitaallada loo diro, waxaana arrinta ugu weyn ee ay diidan yihiin ay ahayd in ciidamada dowladda laga saaro Gobolka Gedo.

Boorarka ay wateen dadka ayaa waxaa ka muuqday in dadkan loo abaabulay olole doorasho, waana bannaanbaxyadii ugu horeeyay ee dowladda federaalka ay abaabusho, kadib baaqii mushariixinta mucaaradka ee in la kala diro Guddiyada Doorashooyinka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON