Qaar ka mida magaalooyinka Galmudug ayaa waxaa ka socda Bannaanbaxyo lagu taageerayo doorashada Madaxweynaha Galmudug ee shalay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.
Bannaanbax weyn oo ay isugu soo baxeen dadweyne ayaa ka socda degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxaana dadka isu soo baxay oo ka kooban qeybaha bulshada ay taageero u muujiyeen Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo ku xigeenkiisa, iyadoo watay boorar ah ku sawiran yihiin madaxda cusub ee Galmudug.
Dhinaca kale bannaanbax kale ayaa ka dhacay saaka magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaasoo fadhi u ah Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), waxaana la arkayey dadweyne sita sawirrada madaxweyne Qoorqoor.
magaalada Caabudwaaq ayaa lasoo sheegay inuu ka socdo bannaanbax kale oo taagero ah, iyadp Magaalooyin kale la sheegay iny laga qabanqaabinayo bannaanbaxyo lagu taageerayo maamulka cusub ee Galmudug oo shalay doorashadiisa ay soo gabagabowday.