Wednesday, June 25, 2025

Bannaanbaxyo looga horjeedo Xariga Boqor Cismaan Buur-madow oo ka bilowday Gobolka Sanaag

Bannanbaxyo looga horjeedo xarigai boqor Cusmaan Muxumad Maxamed (Boqor Buur-madow) oo xalay lagu xiray magaalada Hargeysa ayaa ka socda degaano ka mida Gobolka Sool.

Boqolaal dad ah ayaa isugu soo baxay deegaanada Ceel-afweyn iyo Gar-adag oo ka tirsan gobolka Sanaag ee Soomaaliland kuwaas oo ka careysan xariga nabadoonka oo kasoo jeeda  Gobolka Sanaag, waxayna dalbadeen in si degdeg ah loo siidaayo boqorka.

Ciidamada Booliska ayaa kala dareeriyey dadkii mudaharaadka dhigayaayey isla markaana waxaa la maqlay rasaas ay hawada u ridayaan ciidamada si ay dadka isu soo baxay oo gubay taayero iyo walxo kale u kala kaxeeyaan.

Xiisad ayaa ka taagan degaanada Gobolka Sanaag iyadoo si weyn dadku u diidan yihiin xariga Boqor Buurmadow oo xalay ay ciidamada Booliska ku xireen magaalada Hargeysa markii lagu eedeeyay Qarandumis.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON