Bannaanbaxyo rabshado wata ayaa maanta oo Isniin ah hareeyay dalka Kenya, kuwaas oo uu ku baaqay hoggaaminaya mucaaradka, iyadoo Booliska ay adeegsadeen Sunta dadka ka ilmeysiisa.
Dibad-baxyda waxaa ku baaqay Isbahaysiga Azimio ee uu hoggaamiyo Raila Odinga, iyagoo ka ka cabanaya sicir-bararka iyo nolasha qaaliga ah ee dadka Kenya, iyadoo sheegay inaysan sharciyad heystan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne William Ruto.
Waxaa isku dhacay Dibad-baxayaasha mucaaradka taageersan iyo Booliska oo isaga hor yimid magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi iyoi caasimadda Nairobi, waxaana la kala eryay bannaanbaxayaal gubaya Shaaggaga baabuurta oo dhagxaan ku jaray wadooyinka.
Kolonyada hoggaamiyaha Mucaaradka ee Raila Odinga ayaa dhex martay xaafadda Islii ee Soomaalida ku badan yihiin, wuxuuna halkaasi ka sheegay in Isniin kasta ay bannaanbixi doonaan, inta lag fulinayo dalabkooda.
Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday dibad-baxayaasha, kuna qasbay Kolonyada madaxda mucaaradka inay u dhaqaaqaan xaafado kale, oo ka mida caasimadda Nairobi.