Thursday, April 25, 2024

Puntland oo Beesha Caalamka u caddeysay Go’aankeeda Shirarka Golaha Wadatashiga Qaran

Wakiilada Beesha Caalamka ee Arrimaha Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Xubno ka tirsan Wasiiradiisa oo hadda ku sugan Magaalada Nairobi.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wakiilada ka socday Dalalka UK, USA, EU, Norway, Sweden, Denmark, Germany, Holland, Switzerland, Belgium iyo Bankiga Adduunka, waxaana sida Madaxtooyad Puntalnd shaacisay looga wada hadlay:

1. Xaaladda Puntland, gaar ahaan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo doorashada.

Ad

2. Xaaladda Colaadda Gobolka Sool

3. Arrimaha dowlad dhiska Soomaaliya ee ku saleysan federaalaynta Dalka, gaar ahaan qaybsiga deeqaha horumarinta iyo mowqifka Puntland ee ku aadan shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoo Dowladda Puntland ay caddeysay go’aankeeda ka maqnaanshaha shirarkaas.

Dhinaca kale farriin safaaradda Mareykanka faafisay kulanka Madaxweynaha Puntland kadib ayaa lagu sheegay inay Deeq-bixiyeyaasha kala hadleen madaxweynaha Puntland muhiimada ay leedahay inuu qeyb ka noqdo dowlad-dhiska Soomaaliya iyo ka qeybgalka shirarka Golahja Qaran ee Wadatashiga.

- Advertisement -

“Deeq bixiyayaasha caalamiga ah ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, waxayna hoosta ka xariiqeen muhiimada ay leedahay in Puntland ay si wax ku ool ah uga qayb qaadato dadaallada dowlad-dhismaha Soomaaliya, iyadoo ka qeyb galaysa Golaha Wadatashiga Qaran” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Mareykanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON