Thursday, June 8, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kaliya saxiixay Sharciyadii ugu badnaa (Akhriso)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar qura saxiixay sharciyadii ugu badnaa ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Baaralmaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyadaSoomaaliya ayuu Madaxweynaha ku saxiixay 8 Sharci oo ku saabsan dhinaca ammaanka, arrimaha bulshada, khayraadka iyo dhaqaalaha, iyadoo ay garab taagnaayeen labada Guddoomiyaha labada Aqal iyo Ra’iisal wasaaraha.

War-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somaliyaayaa lagu sheegay in sharciyada madaxweynuhu saxiixay ay kala yihiin:

Ad

1. Sharciga La-dagaallanka Argagixisada

2. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,

3. Sharciga Socdaalka,

- Advertisement -

4. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha

5. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis,

6. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha,

7. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

- Advertisement -

8. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey guddoonka iyo mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Euxuu sheegay inay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, ayna yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!