Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si aan la fileyn uga hadlay taageeray raafka iyo masaafurinta maamulka Somailand ka wado Gobolka Sool.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa ayuu sheegay inay laamaha Amniga ku garab taagan yihiin arrimaha Amniga si aan caddeyn uga hadlay dadka laga raafay magaalada Laas Caanood, wuxuuna yiri: “Dadka danyarta ah ee dumarka iyo caruurta ah ee dawladdu saartay marnaba Xisbi ahaan ma taageersanin wax dhaqanka, diinta iyo dawladnimada ku fiicanna may aheyn”
Barkhad oo dad badan ku cadaadiyeen inuu arrintan ka hadlo ahaa weerar ku qaaday Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna farriintiisa kusoo gabagabeeyay: “Rooblena wax aan leeyahay haddii dhiiga dadka Muqdisho micno aanu kula laheyn Adiga Anaga dhiiga dadka Somaliland dheeman nagala qaalisan.. Rooble waa Ra’iisal wasaare Reereed.. haddii aad dadka wax u qabaneydo Qaraxyada Muqdisho ka dhacaya ee dadkaasi soo qixiyey ayaad wax ka qaban lahayd”.
Xildhibaan Barkhad Batuun oo kasoo jeeda Beelaha la heyb soobo ee Somaliland ayaa doorashadiisii si weyn looga soo dhoweeyay Soomaaliya oo dhan, waxaana meelaha looga dabaal degay ka mid ahayd caasimadda Muqdisho
