Maxkamad ay leeyihiin Alshabaab xukun Dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo midkood lagu eedeeyay inuu ku kacan fal-kii Qowmu-luudka.
Maxkamadda Alshabaab ee dagaanka Kamsuma, Gobolka J/Hoose ayaa meel fagaare ah shalay ku fulisay xukun toogasho ah oo lagu fuliyey laba rag ah oo midkood midkood ku kacay fal Liwaadnimo ah iyo mid kale oo ahaa Askari ka tirsan Maamulka Jubbaland.
Edeysanaha Cabdullaahi Ooyow oo shalay xukunka dilka ah lagu ayaa la sheegay in lagu helay fal liwaadnimo ah oo uu kula kacay wiil yar. Dhinaca kale eedaysane Cabdullaahi Maxamed Faarax ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada maamulka Jubbaland.
Dad badan ayaa la isugu keenay Fagaaraha lagu fuliyey xukunka toogashada ah ee degaanka Kamsuuma, waxayna arrintan imaaneysa iyadoo isla shalay degmada Jamaame ay Alshabaab toogasho ku duliyeen nin Sixiroole ahaa iyo askari ka tirsan Jubbaland.
