Saturday, June 28, 2025

Barlamaanka Galmudug Garabka Dhuusamareeb oo magacaabay Guddi Doorasho Guddoomiye cusub

Wararka laga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb  ayaa sheegaya in xildhibaanada Galmudug Garabka magaaladaasi ku shirsan ay  magacabeen Guddi doorasho oo ay inuu qabanqaabinayo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Waxaa kulanka shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, isagoo shaaciyey in lagu magacaabay guddiga doorashada Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug, kadib markii garabkaasi ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen Guddoomiye Cali Gacal Casir.

Tirada Guddiga Dooradaha ayaa lagu sheegay 11 xubnood, kuwaasoo diyaarinaya doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug, waxaan dhinaca kale ka socda magaalada Dhuusamareeb olole lagu doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabeey) oo mooshin laga keenay.

Xaaladda maamulka Galmudug ayaa kasii dartay iyadoo ay hadda laba qeybood u kala jabeen, waxa la sugayana ay tahay laba maamul oo is barbar socda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON