Wednesday, June 25, 2025

Barlamanka Jubba oo Axmed Madoobe siiyay 2 Bilood oo kale & Gole wasiiro oo 5 Bilood la sugayo

Baarlamaanka Jubba

Xildhibaanada Baarlamanka Jubba oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa ka dooday codsi kale oo madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe u soo gudbiyay oo ah inay muddo kale ugu kordhiyaan xiligii uu magacaabi lahaa golaha wasiirada Jubba oo ka dhamaaday markii labaad.

Xildhibaanada ayaa sidii caadada ahayd  cod u qaaday waqti kordhinta uu codsaday Madaxweynaha Jubba d Axmed Madoobe.  Waxayna natiijadii noqotay in  59 Xildhibaan oo shirka yimid ay 54 Xildhibaan ogolaadaan codsiga Axmed Madoobe oo ahaa in muddo labad bilood oo hore leh la siiyo, waxaana ka aamusay 3 xildhibaan halka 2 qura ay diiday.

Xildhibaanka caanka ah ee  Iftiin Xassan Baasto ayaa ahaa mid ka mida labada ildhibaan ee diiday in labo bilood oo kale la siiyo Axmed Madoobe ayaa sheegay   in Axmed Madoobe looga baahan yahay inuu Golaha wasiirada ku soo dhiso waqtigii laga sugayay ee ay wax lala yaabo tahay in waqti kale loogu sii daro.

Guddoomiya ku xigeenka 3-aad ee Baarlamaanka Jubba Aadan Khaliif  ayaa shaaciyay in madaxweynaha Jubbaland la siiyay mudo  2 bilood oo uu ku soo dhisi doono Golaha wasiirada cusub.

Axmed Madoobe ayaa shakay ka dhoofay magaalada Kismaayo isagoo tegaya magaalooyinka Nairobi iyo Addis ababa, waxaana tani ay noqoneysaa gole wasiiro kuwii ugu yaab badnaa muddo 5 bilood ah la sugo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON