Dowladda Mareykanka ayaa si rami ah u furtay barnaamijeeda bakhtiyaa-nasiibka ee fursadaha ku noolaanshaha dalka Mareykanka.
Barnaamikan ayaa sanado dhowr ah dhibaato soo wajahaday intii uu dalkaasi maamulayay Donald Trump oo diiday inay dalkaasi taguan dadkii hore ugu guuleystay, waxaana haddaba jira kumannaan qof oo hore ugu guuleysay, balse di u-dhac ku yimid rajadooda tegista Mareykanka.
Dadka hore u guuleystay ee aan Mareykanka loo ogolaan inay tagaan waxay kasoo kala jeedaan dalalka Afghanistan, Masar, Peru, Iran, Somalia iyo waddamo kale.
Maamulka madaxweyne Biden ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in diiwaangelinta Barnaamijka Fiisaha Muhaajiriinta ee 2023 – oo caan ku ah bakhtiyaa-nasiibka degganaasha Mareykanka inuu billowday, waxaana Koongarasku oggolaaday 55,000 oo muhaajiriinta adduunka oo Mareykanka deganaasho rasmi ah laga siiyo, si kor loogu qaado kala-duwanaanshaha Mareykanka.
Inta ay aqbalayaan codsiyada cusub,ee Green Card Lottery, mas’uuliyiinta Mareykanku waxay qirayaan dib u-dhac aad u weyn ee xagga socodsiinta kuwii hore loogu guuleystay, kuwaas oo badankood la xareeyay intii uu Mareykanka madaxweynaha ka ahaa Trump, iyadoo sidoo kale uu dib u-dhacaas qeyb ka ahaa aafada COVID-19.
Barnaamijka bakhtiyaa-nasiibka ah ayaa soo maray sanado aan wanaagsaneyn, waxaaana sanadkii 2017-kii, madaxweynihii xilligaas ee Donald Trump uu ku dhawaaqay tallaabooyin dhowr ah oo ka horjoogsaday dadka kasoo jeeda waddamada Muslimiintu u badan inay yimaadaan Mareykanka.
Bishii Maarso 2020, Trump wuxuu xiray qunsuliyadaha adduunka, iyada oo uu jiro cudurka faafa ee coronavirus, waxaana maamulkiisu uu markii dambe ku dhawaaqay mamnuucida fiisooyinka muhaajiriinta qaarkood, isagoo ku dooday in loo baahan yahay in la ilaaliyo dhaqaalaha Mareykanka.
Baraha Bulshada ee Soomaalida ayaa lagu arkayey weriyeyaal iyo dad caan ah baraha bulshada oo dadka u sheegaya inay geynayaan Mareykanka ama ka kaalmeynayaan buuxinta bakhiyaa-nasiibka, halka qaarkoodna ay dadka lacag uga qaadayaan.
BARTA RASMIGA AH EE GREE CARD LOTTERY
