Saturday, April 20, 2024

Barre Hiiraale maka faa’iideysan doonaa Wasiirka cusub Gaashaandhigga iyo xukuumadda Cumar C/rashiid?

Barre Aadan Shire (Hiiraale) wuxuu ka mid yahay hoggaamiye kooxeedyada siyaasiyiinta ah ee xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii kumeelgaarka ah iyo saraakiisha hore ee ciidamada oo doorka weyn ku lahaa siyaasadda dalka, laakiin ay dhibaato ku  noqotay sidii uu ula qabsan lahaa xaaladda siyaasadeed ee dowladda cusub; wuxuuna muddooyinkii danbe ku dhex lumay Muqdisho tan iyo markii heshiis qabyo ah oo aanay wax badan ka fulin looga soo kaxeeyay duleedka Kismaayo.

Barre-hiraale

[ad name=”HTML-2″]

Ad

Hogaamiyahan oo xaalado qalafsan ka soo maray siyaasadda ayaa maanta ka soo dhex muuqday xaflad lagu soo dhoweynayay wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ka dhacday Muqdisho isagoo safka hore is keenay.

Waa fursad kale oo soo marta Barre Hiiraale iyadoo wasiirka cusubi ay beel ahaan is xigaan inuu uga faa’iideyso sidii uu mar kale arrimaha Jubbooyinka ugu lug yeelan lahaa, iyadoo arrimo muhiim ah ay ka harsan yihiin maamulka Jubooyinka sida dhameystirka dib u heshiisiinta, dhismaha ciidamo Goboleed iyo maamul buuxa oo goboladaasi la gaarsiiyo.

Inkastoo maamulada Goboladda ee dalka laga sameynayo isu bedeleen kuwo ku dhisan shaqsiyaad kaliya oo aan hoos loogu degin dadka degaanka iyo qeybaha bulshada ayaa doorka Barre Hiiraale waxaa saameyn ku yeeshay  Gen. C/llaahi  Shekh Ismacil Fartaag oo ay isku beel kasoo wada jeedaan ahna ninka ku xigeenka ku ah Axmed Madoobe, laakiin doorka Barre Hiiraale ma aha suuragal in dowlada Federaalka ka dhigto mid dhammaaday kadib wixii ka dhacay Kismaayo.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON