Beesha caalamka ayaa waqti u qabatay xilliga uu dhammaanayo xilka madaxweyanha iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Qoraal uu soo saaray ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa sheegay in muddada xilka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eg yahay 6-da November 2016, wixii markaas ka danbeeyana aanu Xasan Sheekh xilka sii heyn karin. Baarlamaanka Federaalka ee hadda jira ayuu sidoo kale sheega in wixii xilligaas ka dambeeya aanay lahaan doonin awood ay ku qaataan go’aanada waaweyn.
Michael Keating ayaa ugu yeeray madaxda Madasha Hoggaanka Qaran ee maanta shirka uga furmayo Muqdisho inay ku soo saaraan taariikhda rasmiga ah ee ay ku egtahay xilliga Madaxweynaha.
“Hoggaanka Madasha Qaran waa in ay la yimaadaan
Taariikh caddeynaysa xilliga uu ku egyahay waqtiga Madaxweynaha iyo Xukuumadda, waxaan soo jeedineynaa inaysan arrintaas qaadan muddo ka badan toddobaad lagu kala caddeeyo inay dhaceyso doorashada madaxtinimo 30 October, waa in dowladda Federaalka iyo baarlamaanka inaysan qaadanin go’aamo waaweyn xilligaa wixii ka dambeeya”ayuu yiri Danjire Michael Keating.
Lama oga sida madasha Qaran arrintan u qaadan karto, iyadoo hore loo qorsheeyay in doorashada madaxweynaha ay dhacdo 30-ka Oktoobar.
Goobjooge.com