Tuesday, June 24, 2025

Beesha Caalamka oo War-Cad soo saartay (Baarlamanka Federaalka oo looga digay inuu keligiis Go’aan..”

Beesha Caalamka ee arrimaha Soomaaliya oo loo yaqaan “Saaxiibada Soomaaliua”  ayaa War-Cad oo ay kasoo saareen xaaladda Soomaaliya walaac ka muujiyey tallaabooyinkii siyaasadeed ee xil ka qaadistii Ra’iisal wasaare Kheyre, waxayna sheegeen inay rajeynayaan inaysan caqabad ku noqon heshiiskii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Waxay si cad u sheegeen in isbedelka dhacay oo uu ka mid yahay Baarlamaanka Federaalka ay rajeynayaan inaysan wiiqin doonin dadaallada lagu gaarayo isafgarad siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka waqtigooda ku dhaca, carqaladeeya ajandaha dib-u-habeeynta Soomaaliya, iyo abuurid xasillooni darro dib u celin karta guulihii ilaa iyo hadda la gaaray.

Beesha Caalamka waxay ku baaqeen wadatashiyo loo dhan yahay si loo gaar heshiis sal ballaaran oo ku saabsan qaab dhismeedka doorashada 2020. “Tani waa sababta ay u soo dhoweeyeen go’aannadii ay gaareen hoggaamiyaasha Federaalka iyo Dowlad-gobolleedyada ee ka dhacay Dhuusamareb 22-kii Luulyo oo ah tallaabo muhiim u ah yoolkaas.. Saaxiibada caalamiga ah waxay filayaan in madaxda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedku ay ixtiraamaan heshiisyadii 22-kii Luulyo lagu gaaray Dhuusamareb iyo waqtiga loo qabanayo shirarka dabagalka ee isu imaatinka Dowladda Federaalka, Dowladaha xubinta ka ah federaalka, hoggaanka baarlamaanka federaalka, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah..” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.

Waxay beesha caalamka ka digtay in qolo gaara ay keligeed go’aan ka gaarto qaabka Doorashada. “Isku day kasta oo uu sameeyo dhinac ka mida saamileyda siyaasadda (Baarlamaanka) keligiis ku soo rogo Qaabka Doorashada wuxuu noqonayaa sharci darro aan la fulin karin, iyadoo aan taageero laga helin dhinacyada kale. Beesha Caalamka waxay si dhow ula socon doontaa xaaladda socota ; waxaana muhiim ah in dhinacyada oo dhan ay ka go’naato mudnaanta ay siinayaan heshiis lagu gaaro wadahadal iyo wadar-ogol, waxayna lagama maarmaan u tahay taageerada Beesha Caalamka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA BEESHA CAALAMKA

Saaxiibada Soomaaliya* ee beesha caalamka waxay muujinayaan walaacooda iyo rajada adag ee ay ka qabaan in arrimaha siyaasadeed ee dhowaan soo kordhay, oo ay ku jirto arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka, aanay wiiqi doonin dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaaro doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo aanay carqaladayn doonin ajendaha dib-u-habaynta Soomaaliya, ama aanay abuuri doonin xasillooni darro dib u dhac ku keeni karta guulihii ilaa iyo hadda laga gaaray arrimaha hortabinta u leh qaranka.

Saaxiibadu waxay si joogto ah ugu baaqeen wadatashiyo loo dhan yahay si heshiis sal-ballaaran looga gaaro noocyada doorasho ee sannadka 2020ka. Taasi waa sababta ay u soo dhoweeyeen go’aannadii ay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Goboleedyadu ku gaareen magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo gaaro yoolkaas.
 

Saaxiibada caalamku waxay ka filayaan in madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ay ixtiraamaan heshiisyadii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo iyo jadwalka waqtiyaysan ee shirarka lagu sii ambaqaadayo arrimahaas, la iskuguna keeno Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hoggaanka Baarlamaanka Federaalka, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah. Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inuu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqangelin karo haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale. Saaxiibadu waxay si dhow ula socon doonaan waxyaabaha dhici doona ee soo socda. In go’aan lagu gaaro u-heelanaanta arrimaha qaran ee hortabinta leh ee lagu heshiiyay iyo in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul waxay muhiim u yihiin sii socoshada taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya ee heerarka hadda ay tahay.

Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si dhakhso ah loo soo magacaabo dhammaan xubnaha DFS-DXF uga mid noqonaya Guddiga Farsamada, waxayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan hawsha Guddiga, si hawshaas loogu soo dhamaystiro muddada labada toddobaad ah ee lagu heshiiyay, taas oo ka soo billaabanaysa taariikhda shirkii  Dhuusamareeb.

*Austria, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Maraykanka, Faransiiska, Finland, Holand, Ireland, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Qatar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur Goboleedka (IGAD), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON