Saaxiibada Caalamka ayaa soo dhoweeyay dib u bilaabashada wada-hadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo shanta Dowlad Gogoleedyo ee Xubnaha ka ah Federaalka (DGXF).
Qoraal cawa kasoo baxay Wakiilada Beesha caalamka ee loo yaqaan Saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa ku boogaadiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ iyo Madaxweynayaasha DGXF ka-qaybgalka shirarkan muhiimka ah ee ka socda Muqdisho.
“Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan Madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qayb-qaataan wadahadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo lana hirgelin karo. Saaxiibadu waxay rajeynayaan in saamilayda siyaasadeed ee kale ee Soomaaliyeed ee muhiimka ah sidoo kale lala tashan doono, inta wadahadalladu horay usii siqayaan, si loo ballaariyo taageerada loo hayo heshiiska iyo hirgelintiisaba..” ayaa lagu yiri qoraalka cusub ee Beesha Caalamka ay soo saaray.
Saaxiibada caalamku waxay ka codsanayaan madaxda Soomaaliya inay waxqabadkooda ku hagaan danta qaranka iyo himilooyinka dimoqoraadiyadeed ee dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin marxaladdan taariikhiga ah.
Wakiilada soo saaray warkan waxay kala yihiin: Belgium, Boqortooyada Britain, Denmark, Dowladda Maraykanka, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Masar, Midowga Yurub, Norway, Qadar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkey, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.
