Beesha Caalamka ayaa war ka soo saartay xaaladda Doorashada Galmudug, iyadoo walaac ka muujisay xaaladihii ugu danbeeyay ee Galmudug, iyadoo la marayo wareegii ugu danbeeyay ee hanaanka Doorashada Galmudug.
“Dhammaan dhinacyada Galmudug waa inay ka qeyb qaataan geedi socodka, ayna wada taageeraan, iyadoo laga fogaanayo khilaaf iyo xasilooni darro ; taasoo u baahan inay dhammaam dhinacyada wadahadlaan ayna la yimaadaan tanaasul..” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha caalamka caawa kasoo baxay.
Qoraalka Beesha Caalamka ayaa lagu xusuusiyey dhammaan dhinacyada Galmudug dadaalladii socday 7-da bilood ee keenay in heshiiyo badan, lana dhisay Baarlamaan, waxayna ku baaqeen in si loo dhan yahay loo wajaho inta ka dhiman Geedi socodka.
“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ay quseyso arrimaha Galmudug inay khilaafkooda ku xaliyaan wadahadal haddii loo baahdo waqti dheeraad ah.” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka oo ugu baaqay dhammaan dhinaycada: Guddoonka Baarlamanka Galmudug, musharaxiinta madaxweynaha, Ahlu-Sunna Waljamaaca, dhinaca Gaalkacyo iyo wakiilada dowladda federaalka inay qaataan hananan hufan oo daah furan, loona wada dhan yahay.
Dalalka iyo ururrada Qoraalkan wadajirka u soo saaray ayaa kala ah: African Union Mission in Somalia (AMISOM), Denmark, Djibouti, European Union, Finland, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Italy, Kenya, Netherlands, Norway, Sudan, Sweden, Turkey United Kingdom, United Nations iyo United States.