Monday, June 23, 2025

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Xalka Guddiga Farsamo ee khilaafka Doorashada (Baaq cusub)

Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa soo dhoweeyay ku-dhawaaqistii 16kii Febraayo ee ahayd in Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay soo asteeyeen xalka farsamo ee loo helay arrimaha dib u dhigay hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember, iyo in xalkaas farsamo loo gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaran.

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada inay shir isugu yimaadaan Berri oo ku beegan 18-ka Febraayo 2021 si loo gudagalo Doorashooyinka 2021.

“Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan baaqii Guddiga Farsamada ay ugu baaqeen madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada inay kulmaan 18ka Febraayo, waxayna saaxiibadu ku boorinayaan madaxda inay sidaas sameeyaan si loo soo gabagabeeyo hawsha Guddiga, loona abaabulo doorashooyinka, taas oo ah arrin hortabin leh” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.

Beesha Caalamka ayaa ka kooban: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON