Wednesday, June 25, 2025

Beesha Cadaado oo cabasho ku saabsan heshiiska Galmudug & Ahlu suna hordhigeysa Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo xalay ku hoyday magaalada Cadaado ayaa mabnta kulamo kula leh maamulka Galmudug iyo qeybaha bulshada magaalada.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay magaalada Cadaado  loogu sameeyey munaasbada ballaaran oo soo dhaweyn ah, iyadoo saaka lagu wado uu uu kulamo la yeeshey mas’uuliyiinta Galmudug, waxgaradka iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Madaxweynaah ayaa warbixino kaladuwan ka dhageysan doona bulshada,kuwaasi oo ku aadan baahiyaha ay qabaan iyo sida la isaga kaashan karo taloobooyin dhinaca horumarka ah. Waxaana wararku sheegayaan in kulamada uu ka mid yahay kulan xasaasi ah oo beesha Cadaado ay ku dooneyso inay madaxweynaha hordhigto diidmada ay ka qabto heshiiska Galmudug iyo Ahlu suna.

Beesha Cadaado ayaa ka hor timid heshiiska mideynta Ahlu suna iyo Galmudug, waxaana ugu weyn arrimaha ay ka cabaneyso maqaamka magaalada Cadaado iyo awood qeybsiga, iyadoo madaxweyne Xaaf uu ku fashilmay inuu qanciyo beeshan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON