Monday, June 23, 2025

Beesha Hawiye oo Farriin Culus u dirtay Madaxweyne Farmaajo, soona bandhigtay sababta Xariga Taliyaha Danab

Odayaasha, Siyaasiyiinta iyo Dhalinyaradda Beesha Hawiye ayaa war kasoo sartay taliyaha guutada 16aad ee ciidamada Danab Ismaaciil C/maalik Maalik oo u xiran madaxweynaha Soomaaliya.

War-saxaafadeed laga soo saaray kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in si sharci darro ah lagu hayo muddo ka badan 42 maalmood oo ka badan inta sarkaal ciidan xabsi lagu heyn karo, isla markaana waxaa looga dalbaday Madaxweyne Farmaajo inuu xoriyadiisa si degdeg ugu soo celiyo Gaashaanle Ismaaciil C/maalik.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in taliyaha ciidamada xooga dalka uu cadaadis shaqsi ah ku hayo taliyaha Danab, isla amrkaana amray in loo wareejiyo xabsiga Dhexe oo halis ku ah noloshiisa, waxayna sababaha loo xiray ku sheegeenen:

Ad

1- Inuu qaraabo iyo saaxiib la yahay Ra’iisal wasaariihii hore Xasan Cali Kheyre.

2- In Saraakiil heyb ahaan xilka looga qaaday, laguna bedelayo kuwo kale oo qaraabo la ah Madaxweyne Farmaajo.

3- In la doonayo in Debi loo sameeyo Taliyaha Danab si maxkamad loo geeyo, looguna qanciyo Mareykanka.

- Advertisement -

Odayaasha beelaha ayaa sheegay inay muddo afar jeer ah arrintan kala hadleen Madaxweyne Farmaajo, balse aanu waxba ka qaaban ballanqaadyadii uu sameeyay, waxayna ug baaqeen inuu xoriyadiisa dib ugu soo celiyo Taliye Ismacil C/maalik, lagana waantoobo qorshaha sumcadda looga dilayo, looguna sameynayo denbi aan jirin.

“Haddii aan jawaab degdeg laga helin Madaxweynaha wixii dhibaato ah ee ka yimaada, waxaa qaadaya madaxweyne Farmaajo..” ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka kaso baxay Beesha Hawiye.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON