Thursday, June 26, 2025

Beesha Hawiye oo Shirweyne looga horjeedo Xasan Sheekh ku yeelaneysa Muqdisho

Shir weyn oo ay soo abaabuleen, waxgarad iyo qeybaha bulshada beelaha Hawiye ayaa maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho iyadoo looga hadlayo xaaladda dalka iyo wixii laga dhaxlay dowladda waqtigeedu dhammaanayo ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay odayaasha beelaha Hawiye ee dhaqanka qaarkood waxaana diirrada lagu saarayaa waxqabadka Xasan Sheekh iyo dhibaatooyinka uu maamulkiisu u soo jiiday Beesha Hawiye oo ay ugu horeyso maqaamka Muqdisho ee uu muranka geliyay.

Waxaa shirka lagu casuumay qeybaha bulshada, waxayna wararku sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si weyn uga hor yimid qabashada shirkan, inkastoo aan la ogeyn inuu awood u adeegsan doono si loo baajiyo iyo in kale.

Waxaa shirka abaabulkiisa leh Guddoomiyaha dhaqanka Beesha H/Gidir Abuukar  Sheekh Cusmaan (Ganey) Boqor C/llaahi Geedi Shadoor.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON