Ururka Bisha Cas ee Turkiga ayaa maanta gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ee magaalada Muqdisho, iyagoo raahin bisil u qeybiyay howlwadeennada gargaarka.
Shaqaalaha Bisha cas ee Turkiga ayaa diyaariyay Raashin bisil oo loogu talogalay xaaladda degdega ah, waxaana howlwadeennada gargaarka ee ka shaqeynaya burburka ay u qeybiyeen 1000 xirmo Raashinkaasi xilli aad loogu baahnaa.
Guddoomiyaha Bisha cas ee Turkiga Keren Kinnik ayaa sheegay in shan samafale oo Soomaali ah ay ku waayeen qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, ayna la murugoonayaan dadka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Ciidamada milateriga ayaa dad ka mida kuwii dadkooda ka raadinayay isbitaalka Medina u qeybiyay Biyo nadiif ah, taasoo ka mida samafalka iyo gurmadka loo sameynayo qarixii weynaa ee Muqdisho ka dhacay.