Ciwaanka uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku leeyahayTwitter-ka ayaa si kooban hawada looga saaray Khamiistii, laakiin intaas ka dib hawada ayuu dib ugu soo laabtay, sida ay sheegtay shirkada leh bartan ay bulshadu ku xiriirto.
War soo saartay Shirkaddu Twitter waxay ku sheegtay in ciwaanka @realdonaldtrump uu hawada ka saaray qof u shaqeeya una qaabilsanaa caawinta macaamiishaTwitter-ka, kaasoo shaqada ka tegayay, waxaana shirkadda ay balanqaaday inay tallaabooyin degdeg ah qaadi doonto si ay arrintaas dib ugu soo laaban.
Ciwaanka madaxweynaha ayaa hawada ka maqnaa muddo 11 daqiiqo ah, Twitter-ka ayaana hadda baaritaan wada. Trumo ayaa aad u isticmaala Twitter-ka waxaana wararkiisa ku xiran 41.7 milyan, walina kama hadlin arrintan.
Dadkii booqday ciwaanka madaxwaynaha fiidnimadii Khamiista wakhti kooban waxay arki kareen fariin oranaysa “ciwaankaas ma jiro!”. Trump ayaa boggiisa twitterka u adeegsada weerarro siyaasadeed iyo kuwa ganacsi oo uu ku qaado dadka kasoo horjeeda.
Ciwaanka markii uu dib u shaqeeyay Trump wuxuu markii u horaysay soo dhigay qorshaha xisbiga jamhuurigu uu ku doonayo in uu ku dhimo canshuurta.
Ciwaanka @POTUS, oo ah midka rasmiga ah ee madaxweynaha Maraykanka ayaa isagu sidiisii u shaqaynayay. Trump wuxuu Twitterka ku soo biiray bishii Maarso ee 2009kii.
Intaa wixii ka dambeeyayna si joogto ah ayuu u iisticmaali jiray si uu ugu faafiyo afkaarihiisa, sidoo kale wuxuu ku weerarayay dadka ka soo horjeeday intii ay socotay ol’olihii doorashada ee 2016kii iyo intii uu xilka la wareegay bishii Janaayo.