Saturday, July 12, 2025

Boolis Af-duuban oo la dhigay Wadooyinka Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay Bannaanbixii…

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay degan tahay xaaladda caasimadda oo maanta la sheegay inay dhacayaan banaanbaxyo looga horjeedo madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa saaka wadooyinka magaalada Muqdisho lagu arkay ciidamo booliis nooc cuusb ah oo afku u duuban yahay oo si weyn u hubeysan si ay uga hortagaan bannaanbaxa oo dowladu sheegtay inuu yahay mid rabshado wata oo khalkhal lagu gelinayo amniga.

Lama oga cidda soo abaabushay banaannbaxa iyo xaqiiqadiida jiritaankiisa, lakiin waxaa abaabulkiisu ka socday baraha bulshada, waxaase madaxda dowladda ay cabsi weyn ka muujiyeen arrintan, iyadoo warbaahinta dowladda ay ka hadleen dad isugu jira culimo, siyaasiyiin iyo saraakiisha ciidamada oo ka digaya bannaanbaxa.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa dadka uga digay banaanbaxa la sheegay inuu ka dhacayo magaalada Muqdisho, waxaan sidoo kale hadaly culimo siyaasiyiin si weyn u taageera dowladda oo mamnuucay bannaanbaxaasi.

Wararkii ugu danbeeyay ee Muqdisho ayaa sheegay in xaaladda ay degan tahay iyadoo aan weli la arag isu soo baxyadii laga digay, iyadoo ciidamo fara badan lagu arkayo wadooyinka.

Dadka qaar ayaa baraha bulshada ka wada bannaanbax, iyagoo si toos ah u baahinaya bannaanbixii Sabtidii hore ka bilowday isgoyska Howlwadaag oo ay ka dhigayaan inuu xilligan socdo oo kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON