Wednesday, August 6, 2025

Booliska oo bilaabay Baarista Dilkii Taliye ka tirsanaa Danab & Eheladiisa oo diiday in la Aaso

Booliska Soomaaliya ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan in la aaso taliye ka tirsanaa ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.

Dilka Taliyihii Ciidanka ururka Gorgor ee Turkigu tababaray Maxamed Suleymaan Abiikar (Maxaadey) ayaa la sheegay in lagu dilay is-rasaaseyn dhex maraty ciidamo ku sugnaa Bar laga ilaaliyo Hotelka Ex. Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisho, waxaana Taliska Booliska Soomaaliyeed uu sheegay in la xiray ciidamadii ku sugnaa barta Koontarool ee Ex. Shabelle oo rasaastasi ku lug lahaa.

Ciidamada ayaa la sheegay inay ka shakiyeen Gaariga uu watay taliyaha, waxaana sidoo kale ku dhintay askari ilaalado u ahaa oo la socday; Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa ciidamada kumaandoosta Soomaaliya ee Turkigu tababartay, isagoo qeyb ka ahaa saraakiisha hoggaamineysay howlgalkii Ciidamada Al-shabaab looga saaray Degmada Awdheegle.

Eeheladda Taliye Maxaadeey ayaa la sheegay inay diideen in la aaso meydkiisa, iyadoo aan cadaaladda la hor geyn dadkii ka danbeeyay dilkiisa, waxayna shaki ka muujiyeen ciidamada loo xiray kiiska dilkiisa. Waxaa socda dadaal loogu jiro qancinta ehelada sarkaalka iyo sidii loo aasi lahaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON