Monday, July 14, 2025

Booliska oo Muqdisho kusoo bandhigay Burcad iyo Mooto Bajaaj lagu qabtay howlgal

Taliska CiidamadaBoliiska ayaa soo bandhigay saddex Rag oo lagu eedeeyay inay ka mid ahaayeen Burcad hubeysan oo dhac ka waday xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Labo ka mida saddexda ragga ah ee la soo bandhigay ku hubeysnaa Mindiyo iyo Bistoolado caag ah, halka midka kalana uu Darawalkii u waday Mootadii ay adeegsanayeen.

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in kooxdan sharciga la horgeyn doono si sharciga loo marsiiyo.

Sidoo kale Ciidanka Boliiska Deegaanka Garasbaaleey ayaa gacanta ku dhigay laba eedeysane oo dhac ka geysanayey degaankaasi maanta, midkood ayaa ku hubeysnaa Bistoolad, isagoo sheegay inuu ka tirsan yahay ciidanka Gorgor ee xoogga dalka, halka midka kale uu ahaa Darawal Moota Bajaaj.

“Ciidanka Boliiska Saldhigga Degmada Yaaqshiid ayaa gacanta ku soo dhigay seddex kamid ah Burcadda Hubaysan kuwaaas oo dhac ka geysanaayay isla Degmada Dhexdeeda, Eedeysanyaasha labo kamid ah waxaa ay kukala hubeysnaayaan tooreeyo iyo Bistoolado caag ah, halka midka kalana uu wade ka ahaay mootada ay adeegsanayeen. Sharciga ayaa la hor geenayaa waxa ayna kamid noqonayaan Burcada hubaysan ee horay Ciidanku Booliska usoo qabteen”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON