Afhayeenka Booliska ayaa soo bandhigay tirada lacagta ku jirtay Akoonada Sarkaalkii ka tirsanaa Booliska ee Cusmaan Salaad Daahir (Atooraha Badda).
Booliska ayaa hore u sheegay in Atooraha Badda uu dilkiisa ka dambeeyay nin saaxiibkiis ahaa oo lagu magacaabi jiray Leefleefow, iyagoo isku dagaalay lacag sadaqo ah oo ku jirtay Akoonada Atooraha Badda.
Iyadoo uu barbar taagan yahay nin la dhashay Atooraga Badda ayuu Afhayeenka Booliska sheegay in laba Akoon oo uu lahaa Atooraha Badda, midkoodna uu furay ninka dilka geystay ay ku jirtay midkood lacag dhan 50,000 Dollar, halka mid kale ay ku jirtay lacag gaareysa: $3300, lana tusay walaalkiis oo uu ku qancay.
Booliska ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay Cusmaan Salaad Daahir uu yimid markii saaxiibkii oo ay wada shaqeyn jireen uu dalbaday inay qeybsadaan lacagta, taasoo keentay inay markii hore Mindi isu adeegsadeen, kadibna Bistoolad saddex xabadood lagu dhufto atooraha Badda.
Saaxiibka dilka u geytay Cusmaan Salaad Daahir -Atooraha Badda- ayaa xiran, waxayna Booliska wadaan baaritaan kiiskan ku saabsan, iyadoo maxkamad lasoo taagi doono.

