Monday, June 23, 2025

Booliska oo xiray Darawallo Bajaaj oo maanta bannaanbax ka dhigay Muqdisho, kadibna lagu sii daayey…

Ciidamada Booliska magaalada Muqdisho ayaa xiray qaar ka mida darawallada Mooto Bajaajleyda ah ee maanta bannaanbax looga horjeedo maamulka Gobolka Banaadir iyo xaalada Wadooyinka caasimadda ka dhigay bartamaha magaalada.

Qaar ka mida darawalladii hoggaaminayey bannaanbaxa sida Cabdifitaax Ismaaciil Maxamed Afrax ayey ciidamada Booliska dabagal kusoo qabteen, kadibna waxaa lagu saldhigga Booliska Xamarweyne.

Saacado kadib xarigooda ayaa qeylo dhaan ka dhalatay in dhalinyaradaasi loo xiro fikirkooda oo ay cabireen ayaa lasii daayey markii ay arrinta farageliyeen xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, waxayna ahayd qorshe lagu doonayey in lagu cabsi geliyo.

Ad

Bannaabixii maanta ka dhacay Isgoyska Hotel Shabeelle iyo Daljirka Dahsoon ayey Darawallada Bajaajleyda ah ayaa si adag uga hadleen xaalada ku heysata marista wadooyinka caasimadda oo biyo xayireen, qaarna ay ciidamada xirteen, waxayna ugu baaqeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir inuu is casilo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON