Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Booliska magaaladaasi ay xabsiga dhigeen haweeney baraha bulshada ku faafisay muuqaal gabar u shaqeysa oo si ay si xun ula dhaqmeyso.
Kiiskan oo qabsaday baraha bulshada ayaa baaritaan kadib waxaa maanta la xiray Samsam Ismaaciil Cartan oo dhawaan gabadh yar oo u shaqaynaysay ka duubtay muuqaal, kadibna ku faafisay baraha bulshada, iyagoo wajaheysa dacwad ku tumasho xuquuq shaqaale.
Dhinaca kale Maamulka Bankiga Dhexe ee Somaliland ayaa shaaciyay inay shaqaale rasmi ah u qaateen Ayaan Maxamed Yuusuf, oo ah gabadhii muuqaalkeeda la baahiyey ee u shaqanaysay qofka dumarka ah ee la xiray.
“Madaxda Sare ee Baanka Dhexe ee Somaliland, markii ay arkeen muuqaalka lagu baahiyay barraha bulshadda ee ku saabsan gabadha yar ee gacanta ku xidhan calanka Somaliland, taas oo ay muuqatay ku xadgudub xuquuqda aasaasiga ah ee gabadha yar, isla markaana ay arkeen duruufaha ku gadaaman qoyska gabadha yar;Waxaa uu Guddoomiyaha Baanku Go’aamiyay in gabadhaas yar laga shaqaalaysiiyo Baanka Dhexe” ayu yiir Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliland.
