Monday, October 25, 2021

Booliska Soomaaliya oo raadinaya Eedeysane Baxsad ah iyo Dadka oo la weydiistay taageero..

Booliska Soomaaliya ayaa baahiyey muuqaalka iyo magaca eedeysane baxsad ah oo la sheegay in loo maleynayo inuu ku sugan yahay dhulka Soomaalida iyo Degaanada Soomaali Galbeed ee Itoobiya.

Farriin uu Booliska Soomaaliya baahiyey ayaa dhammaan shacabka looga codsaday inay la baadigoobaan, isla markaana ka qeyb qaataan raadinta Cabdixakiin Cabdisalaan Aadan. Booliska ma sheegin dembiga uu ku eedeysan yahay ninkan muuqaalkiisa la baahiyey.

HOOS KA AKRHISO FARRIINTA BOOLISKA

Ad

Wanted. (Eedeysane Baxsad ah)

Dhamaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo Deegaanada Soomaali Galbeed, waxaa laga Codsanaya in ay nagala qeyb qaataan baadi-goobka eedeysane Cabdi Xakiim Cabdisalan Aadan, kaas oo Sawirkiisa halkaan idinkaga muuqdo. Cidii aragta hanagala so xiriirto tel 991 gudaha dalka ama baraha bulshada, iyada oo macluumaadkiisa loo gudbinayo xarumaha Boliiska ee kuugu dhaw, ama xiriirada Baraha bulshada. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

- Advertisement -
- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,893FollowersFollow
159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,893FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!