Booliska iyo dembi baarayaasha Turkiga ayaa muddo 9 saacadood ah oo xiriir ah baaray Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul oo lagu waayey Qoraagii caanka ahaa ee Sacuudiga Jamal Kashoqgi 2-dii bishan Oktobar.
Baarayaasha Turkiga ayaa watay qalab fara badan iyo khubaro qaabilsan dembi baarista, waxayna baareen dhammaan xafiisyada Qunsuliyadda iyo gudaha Qunsuliyadda, waxaana la arkayey qaarkood oo dabaqyada sare saaran, kuna howlan baaritaanka oo ahaa mid dhinaca kasta ka dhameystirsan.
Saxaafadda ayaa kasoo xigatay xeer ilaalinta Turkiga inay heleen caddeymo cusub oo lagu biirinayo kuwii ay hore u heysteen, inkastoo Sacuudigu isku dayey inuu baabi’iyo wax raad ah oo la heli karo, iyadoo la aaminsan yahay in Qunsuliyadda lagu dhex dilay qorooga Jamal Kashoqgi.
Kiiska dilka Saxafiga Jamal ayaa sii xoogeysanaya iyadoo saxaafadda Mareykanka ay sheegtay in Sacuudiga uu diyaarinayo qoraal qirasho ah ku saabsan dilka saxafigan, iyadoo lagu sheegayo inay dilkiisa geysteen koox aan amar u heysan ujeedkeeduna ahaa inay su’aalo weydiiyaan qoraaga balse si khalad ah loo dilay.
Dhinaca kale faallo saaka lagu qoray Wargeyska Washington Post ayaa si cad loogu eedeeyay dilka Jamal Kashoqgi inuu ka danbeeyay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman.