War hadda soo dhacay ayaa sheegay in Booliska iyo Dembi baarayaasha Turkiga loo ogolaaday inay baaraan Xarunta Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul oo lagu la’ yahay qoraaga caanka ah ee Jamal Kashoqgi tan iyo 2-dii bishan Oktoobar.
Booliska Turkiga ayaa shaaciyey inay xarunta Qunsuliyadda baari doonaan Galabta, kadib markii la isla meel dhigay arrintan markii ay khadka telefoonka ku wadahadleen Boqorka Sacuudiga Salman Bin C/casiis iyo madaxweynaha Turkiga.
Booliska Turkiga ayaa sheegaya in baritaankooda uu noqon doono mid xeel dheer oo si baahsan loo baari doono Qunsuliyadda, taasoo ay hore u diidanayeen Sacuudiga, waxaana saxaafadda Turkiga ay saaka faafisay xog ku saabsan in xubno ka mida Sacuudiyaan ah ay habeen hore xarunta Qunsuliyadda ka qaadeen laba Boorso iyo Boorso kale oo nooca Laptop-yada lagu qaado, iyadoo laga shakisan yahay waxa ku jiray Boorsooyinkaasi.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA