Tuesday, June 24, 2025

Booliska UK oo Qalab ugu deeqay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed [Sawirro]

Taliska Ciidanka Booliska Dawladda Ingiriiska, ayaa Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed soo gaarsiiyey Qalab Ciidan oo loo soo wakiishay guddoomiye urur lagu magacaabo Guddoomiyaha Somali Support Association.

Qalabka deeqda ayaa ka kooban Jaakadaha Xabadda Celiya, Katiinadaha  dambiileyaasha lagu xiro, iyo Dharka dhaxanta laga xirto, waxaana Qalabkaasi uu guddoomay Taliyaha Ciidanka Booliska Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ka guddoomay Dr. Cabdi Aakhiro, Guddoomiyaha Somali Support Association.

Guddoomiyaha Hey’adda Somali Support Association  Dr Cabdi Aakhiro, ayaa sheegay in Deeqda qalabkaan ay ka timid Ciidanka Booliska UK, isla markaana Hay’addiisa  loo soo wakiishay inuu gaarsiiyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isaggoo tilmaamay in waxbadan ay ka badali doonaan qalabkaan habka shaqo ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON