Maxkamadda Ciidamada Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa xukun dil ah ku riday 5 nin oo dhawaan lagu qabtay Boosaaso.
Raggan ayaa la qabtay iyagoo wata gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa. waxaana lagu soo eedeeyay inay doonayeen qaraxyo ay ka fuliyaan magaalada Boosaaso.
Dhammaan dhalinyarrada ayaa ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxaana la sheegay inay qirteen inay ka mid yihiin Al-Shabaab.
Magacyadda dhalinyarada xukunka lagu riday iyo degaanada ay kasoo jeedaan hoos ka akhriso:
Cabaas Ibraahim Yare Aadan – ina Khadiijo Aadan 26-jir ah kuna dhashay Baydhabo.
Ibraahim Maxamed Canshuur –Ina Khadiijo Cabdullaahi Cali 20-jir ah ku dhashay Afgooye.
Dhaqane Aadan Cabdi Xassan –Ina Sacdiyo Isaaq Ibraahim 20-jir ah ku dhashay Qansax dheere.
Aadan Nuur Aadan Cali –Ina Kuuso Maxamed Nuur 27-jir ah ku dhashay Baydhabo.
Nuur Cabdi Aadan Isaaq –Ina Xaawo Wardheer Maxamed 22-jir ah ku dhashay Aw-diinle.