Boqolaal Ciidamo Mareykan ah oo ku qulqulaya Sacuudiga markii uu codsaday Boqor Salman

Mareykanka ayaa boqolaal askari oo ciidamadiisa ah u diray dalka Sacuudiga, kadib markii Boqorka Scuudiga uu dalbaday in ciidamadaasi loo keeno xilli ay sii kordheysa xiisada ka taagan dalalka reer Galbeedka iyo dalka Iiraan.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ayaa baahisay in Boqorka Sacuudiga Salman Bin C/acsiis uu ansixiyey ciidamada Mareykanka ee la geynayo Sacuudiga, laakiin saxaafadda Mareykanka ayaa shaacisay in ciidamadasi ay bishan oo dhan ku qulqulayeen saldhiga ciidamada Suldan ee duleedka magaalada Riyaad.

Ad

Ciidamadan ayaa wata diyaaradaha dagaalka iyo gantaalaha difaaca ee Patriot, waxaana lagu wadaa inay diyaar u noqdaan dagaal bisha soo socota iyadoo tiradooda ay gaari doonto wax ka badan 2000 askari oo u badan ciidamada cirka, waxayna kordhin dontaa joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Bariga dhexe oo hore saldhiyo waaweyn ugu lahaa dalalka Baxreyn, Qatar iyo Imaaraadka.

Madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer sheegay in haddii Sacuudigu doonayo inuu ilaaliyo Mareykanka ay tahay inuu taas bedelkeed bixiyo lacag.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

127,987FansLike
1,144FollowersFollow
3,340FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!